Akhriso Natiijada wareega 1-aad ee doorashada

714

Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey wareegga koowaad ee codeynta xildhibaanada golaha shacabka ee doorashada guddoomiyaha golahaas, oo ka socota teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Codadka ugu badan waxaa helay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, waxaana codadka loo kala helay sidan:

Xasan Cabdinuur 98-cod

Sheekh Aadan Madoobe 74-cod

Cabdulaahi Black 33-cod

Aadan Saransoor 23-cod

Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod

Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod

Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi 5-cod.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, mana jiro musharax hadda gaaray tiradaas, taas oo ka dhigay in wareeg kale la aadi doono.