AKHRISO: Qodobada ay diidan yihiin Deni iyo Axmed Madoobe

1469

Madaxda Jubbaland iyo Puntland, waxay utagayaan Muqdisho ayaa ah gorgortan siyaasadeed iyo sidii ay u heli lahaayeen doorkooda.

Qodobada ilaa hadda ay ka diidan yihiin Heshiiska Dhuusa-Mareeb3 ee nooca doorasho ayaa kala ah oo aysan aqbali doonin in la socodsiiyo, sida aan ka soo xiganayno dhinacyo katirsan labada maamul.

. Guddiga Doorashada Madaxa Banaan ee ay hogaamiso Xaliimo Yareey in aysan hoggaamin doorashada soo wajahan, lana magacaabo guddi cusub oo ay min 2 xubnood keenayaan dawlad gobaleedyadu.

2. In Xisbiyo siyaasadeed aan lagu gali-karin hanaanka doorashada dhaw, qodobkaasna meesha laga saaro, musharaxiintu ay ku yimaadeen sidii horey u dhici jirtay ee beelaha.

3. In caasumaddaha dawlad gobaleedyada loo daayo, awooddana ay maamuladu leeyihiin, Qodobkan ayay doonayaan in la xoojiyo.

4. In tiradda 301 qof iyo tan tooska ahba meesha laga saaro, tiradda laga dhigo 101qof, toosna aysan jirin ee hanaanka beelaha oo kaliya lagu galo.

2 maalmood ayay kulan gaar ah layeelan doonan Madaxweynaha DF Soomaaliya, haddii ay is fahmi waayaan waxay soo jeediyeen in wakiilada caalamiga ah doorka qaatan, gaar ahaana Midowga Yurub oo dhaqaale bixiyaha doorashada ah iyo Mareykanka oo siyaasadda iyo ammaanka kataageera Soomaaliya.