Akhriso sida lookala horeeyoTartanka Gool Dhalinta Horyaalka La Liga

1948

Tartanka Horyaalka La Liga ayaa xilli ciyaareedkan leh xiiso aanu horay u lahayn sanadihii hore marka loo eego in ayna kooxaha ugu waaweyn horyaalka ee Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid ku jirin qaab ciyaareed fiican taas oo ka caawisay kooxaha kale in ay aad ugu dhawaadaan hogaanka horyaalka.

Sidii sanadihii hore looga bartay kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa dhibco badan ka horayn jiray kooxda ugu soo dhaw laakiin arintaas ayaa aad isku badashay xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Tartanka gool dhalinta horyaalka La Liga ayaa sidoo kale maraya meel xiiso leh iyada oo xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema hogaanka u hayo kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Leganes.

Karim Benzema ayaa la goolal ah 2 xiddig oo kale kuwaas oo dhaliyay 7 gool ilaa haatan tartanka gool dhalinta horyaalka La Liga.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Luiz Suarez oo dhankiisa dhaliyay kulankii Real Valladolid ayaa dhankiisa leh 6 gool oo horyaalka La Liga ah.

Lionel Messi oo dhankiisa dhaawac xilli ciyaareedkan ku seegay kulamo kooxdiisa ah horyaalka ayaa dhankiisa dhaliyay 2 gool kulankii Valladolid waxan uu haatan leeyahay 4 gool si la mid ah xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Antoine Griezmann kaas oo dhaliyay 4 gool oo horyaalka La Liga ah.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska sida loogu kala sareeya gool dhalinta horyaalka La Liga:

  1. Karim Benzema (Real Madrid) 7 Gool
  2. Gerard Moreno (Villarreal) 7
  3. Loren Morón (Real Betis) 7
  4. Luis Suárez (Barcelona) 6
  5. Karl Toko Ekambi (Villarreal) 5
  6. Daniel Parejo (Valencia) 5
  7. Lucas Pérez (Alaves) 5
  8. Willian José (Real Sociedad) 5
  9. Lionel Messi (Barcelona) 4
  10. Santi Cazorla (Villarreal) 4
  11. Antoine Griezmann Lionel Messi (Barcelona) 4
  12. Mikel Oyarzabal (Real Sociedad) 4
  13. Ángel Rodríguez (Getafe) 4
  14. Jaime Mata (Getafe) 4
  15. Lucas Ocampos (Sevilla) 4
  16. Raúl García (Ath Bilbao) 4
  17. Maxi Gómez (Valencia) 4