AKHRISO;- Warmurtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Nabadda Hobyo Ee Habar gidir,

1812

Shirka Nabadda Hobyo waxey qabanqaabadiisu ka soo bilaabatay magaalada Muqdisho muddo sanad ah ka hor, waxaa saldhig u ahaa kulamo taxane ah oo lala yeeshay wasiirada xukuumadda federaalka, xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Federaalka ah, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo ganacsatada beesha Habargidir, ayagoo sidoo kale guddiga qabanqaabadu socdaal wadatashi ku soo kala bixiyey deegaamada beeshu degto ee Galmudug sida Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Hobyo halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxda dawlad-goboleedka Galmudug u sarraysa, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Wadatashigaas mudada sanadka ah socday ka dib waxaa waxgaradka kala duwan ee beesha Habargidir isku waafaqeen baahida loo qabo qabashada shirweyne beeshu ay yeelato oo bilow u noqda soo afjaridda colaadihii ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dhexmaray beelaha Soomaaliyeed iyo dhab u heshiisiin ka timaada ayaga dhexdooda, waxaana loo asteeyey in shirkaas uu ka dhaco magaalada qadiimiga ee Hobyo taariikh 15 July 2019.

UJEEDADA SHIRKA NABADDA HOBYO

1. In Beelaha Habragidir ay turxaan-bixiyaan, kana heshiiyaan tabashooyinka dhexdooda ka jira isna cafiyaan.
2. In ay dhistaan Gole Hogaamineed oo taladoodu ay ku midaysan tahay.
3. In kaalinta ugu haboon ay beeshu ka qaadato nabadaytna, dhab ula heshiinta beelaha Soomaaliyeed ee kale iyo ka qeybgqaadashada dib u xaqiijinta qarannimada Soomaaliyeed oo beeshani ay weligood kaalin hormuudnimo ka qaadan jirtay.

MARXALADAHA SHIRKA NABADDA HOBYO UU SOO MARAY

Shirka Hobyo mudadii 50-ka maalmood ahayd ee uu socday waxaa si isdaba joog ah u imaanayey ergooyin iyo wufuud dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka kala socdey kuwaasoo tiradoodu ay kor u dhaaftey 2000 oo qof.

Marxaladaha shirka Nabadda Hobyo uu soo marey waxaa ka mid ahaa; furitaankii shirka iyo diyaarinta ergooyinka rasmiga ah ee ka qeybgaleyey shirka. Iscafinta iyo adkaynta midnimada beelaha Habargidir, iyo diyaarinta iyo ansixinta xeerka golaha Hoggaaminta Habargidir iyo dhismaha golahaas oo tiradiisu gaarayso 68 xubnood. 04 September 2019, Golaha Hoggaaminta wuxuu dhexdiisa ka doortay Guddoomiyaha Golaha oo loo doortay Md Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Md Cabdullaahi Cabdille Wehliye .

GO’AANNADA SHIRKA NABADDA HOBYO

1. Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG

2. Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.

3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka

B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo.
T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo.
J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay.

4. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed

Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya.

5. Dekedda HOBYO

Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee QATAR ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.

Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.

BOGAADIN
Shirweynuhu wuxuu bogaadin aan qiimaheeda la soo koobi karin u soo jeedinayaa dhammaan intii iska xilsaartay dhismaha waddada Hobyo – Gaalkacyo gaar ahaan aasaasayaashii mashruucaan curiyey. Shirku wuxuu aqoonsanayaa waaya-aragnimada, qalabka ay gacanta ku hayaan iyo daacadnimada ay muujiyeen awgeed in Guddiga GOB ay noqdaan “Hey’adda Horumarinta iyo Dhismaha Waddooyinka Galmudug”.

Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dadka u dhashay beesha Habargidir iyo samafalayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeybqaataan dhammaystirka dhismaha wadadaas iyo waddooyinka kale ee ay gacanta ku hayso hey’adda maxalliga ah ee GOB. Sidaas oo kale, Dowladda FS iyo dowlad-goboleedka Galmudug waxaan ugu baaqaynaa in gacan ka gaystaan dhammaystirka wadadaas.

MAHADNAQ
Guddiga farsamada iyo dhammaan ka-soo-qeybgaleyaasha Shirka Nabadda Hobyo waxay mahadnaq ballaaran u soo jeedinayaan:
B. Shacabka reer Hobyo oo kaalinta kowaad ka qaatay habsami u-socodsiinta iyo martigelinta Shirka Nabadda Hobyo.
T. Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo nagu dhiirrigeliyay in shirkaan qabsoomo, nooguna soo duceeyay in uu guuleysto.
J. Waxaan u mahadnaqaynaa guud ahaan ergada iyo martida Shirka Nabadda Hobyo oo dulqaad badan u muujiyay duruufaha ay muteen muddadii shirkaani socday.
X. Sida oo kale, waxaan Beesha Caalamka uga mahadnaqaynaa niyad wanaagga ay u muujiyeen Shirweynaha Hobyo ee billaabay in beeluhu dhexdooda ka soo heshiiyaan iyaga oo dhan kasta isku tashanaya, taasina waxay tahay waddada saxda ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay ku gaari karaan nabad waarta.
KH. Beelweynta Habargidir ee shirka Nabadda Hobyo isugu timid waxey si aan kala har laheyn ugu mahadcelinayaan Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed iyo wafdigiisa ka soo socdaalay deegaanno ku yaalla Somaliland si ay uga qeybgalaan Shirka Nabadda Hobyo.

GUNAANAD

Gebagebadii, Shirweynaha Nabadda ee Hobyo wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo dhab-u-heshiisiinta bulshada iyo is-cafin ku timaada rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed iyada oo loo midoobayo cadowga muuqda iyo midka dahsoon ee aan oggoleyn in Ummadda Soomaaliyeed hore u socoto kuna naallooto Qarannimo waarta. Qarannimo ayaa na deeqda waana midda kaliya ee aan ku gaari karno dhammaan himilooyinkeenna ku aaddan nabadeynta iyo dimoqraaddiyadeynta Dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed.

“QARANNIMADU HA GUULEYSATO”