Akhriso:-Warqadihii Somaliland Ku Ogolaatey In Dacwad Hargeysa Lagaga Furo Ganacsade Axmed Cismaan Geele

1958

Xukuumada Somaliland ayaa bishu markay aheyd 14.02.2019 aqbashey warqad ay u soo gudbisay dawlada Jabuuti taas oo aheyd in Hargeysa laga furo Dacwad ka dhan ah Ganacsade Axmed Cismaan Geele isla markaana hantiisa la xayiro inta ay dacwadu socoto .

Warqadan oo ku qoran Afka Faransiiska ayaa waxaa ogolaatey oo shaanbadeysay Wasaarada Arimaha dibada Somaliland gaar ahaan waxaa shaanbada ku dhuftey Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi

Sidoo kale Warqadan waxaa iyaduna ogolaatey Wasaarada Cadaalada Somaliland waxaana shaanbada ku dhuftey oo waliba saxeexiisa gaar ah raaciyey Agaasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Cabdiraxmaan Musaabaqo

Dhinaca kale Warqadan waxaa laga cashuuray xeer ilaalinta Somaliland oo iyaduna ku dhejisay jiwanka Cashuur qaadista ee dacwada lagu dhejiyo marka la soo cashuuro

Hadaba waxaa halkan ku cad in warqadan dalka Jabuuti ka timid ee dacwada ah ay xukuumadu aqbashey , balse waxaan jirin wax waaran qabasho ah oo loo jaray ganacsade Axmed Cismaan Geele

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Iyo Saxeex-yada Ku Yaala