Akhriso:- Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya oo ku dhex wareertay Siyaasadda Dalka

1669

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa soo saartay habraac cusub oo ku saabsan Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019, iyadoo horay u jireen habraacyo ay soo saartay oo aan ka dhaqan gelin Jubbaland.

Soo saarista habraacan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland  caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Halkan hoose ka aqriso habraaca cusub ee ay dowlada federalka soo saartay;