Akhriso Xulalka Iska Xaadiriyay Wareega labaad Ee Koobka Adduunka

278

Waxa la soo afjaray wareega 2-aad ee Group-yada koobka adduunka iyada oo ay xulal badan wacdaro dhigeen isla markaas dib u nooleeyeen rajaooda wareega xiga ee tartanka.

Waxa jira kaliya 3 xul oo haatanba xaqiiqsaday booskooda wareega xiga ee koobka adduunka isla markaas haatan huba in ay sii wadan doonaan tartanka.

Xulal badna ayaa wareega 3-aad gali doona iyaga oo aan hubin halka ay kaga dhamaysan doonaan Group-kooda ama hadii ay sii joogi doonaa Qatar si ay u sii ciyaaraan tartanka.

 

Xulalka France, Brazil iyo Portugal ayaa ah xulalka haatanba xaqiiqsaday booskooda wareega 16-ka koobka adduunka isla markaas sii joogi doonaan tartanka.

3-da xul ee kor ku xusan ayaa guul gaadhay 2-dii kulan ee ay ciyaareen Group-yada waxana ay iska xaadiriyeen wareega xiga ee tartanka koobka adduunka.

Xulalka France, Brazil iyo Portugal ayaa sidoo kale ku dhamaysan doona kaalinta 1-aad ee Group-kooda hadii ay badiyaan kulankooda kama dambaysta ah ee tartanka.