Al-Shabaab oo ka dhex dagaalamaya Hotel SYL

79

Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa weerar toos ah ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya.

weerarkaas ayaa ku bilowday qof is-miidaamiyey, kadibna waxaa hotelka gudaha u galay rag hubeysan.

Dagaalamayaasha Shabaab ee Hotelka galay ayaa bilaabay toogasho, welina waxaa socda howlgal ay ciidamada ammaanku kula dagaalamayaan kooxda ku jirta gudaha hotelka.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad, Cabdixamiid Fanax ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas, waxaana dhaawaciisa la geeyey isbitaalka Digfeer.

Qaraxyo kale ayaa ka dhacay banaanka hotelka, kuwaas oo kooxdu ay ugu tala gashay inay ku waxyeeloobaan ciidamada soo gurmada, ilaa hadda lama xaqiiji karo khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo xildhibaano u badan ayaa la sheegay inay joogeen hotelka, kuwaas oo la xaqiijiyey in qaarkood lasoo badbaadiyey, welina waxaa gudaha Hotelka laga maqlayaa rasaas teel-teel ah.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL Hotel waxaa lasoo werinayaa inuu ku jiro xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale.

Ciidamada ammaanka ayaa wada dadaalo ay ku soo badbaadinayaan dadka ku jira gudaha Hotelka la weeraray, welina dowladdu wax war ah kama soo saarin weerarkaan ka socda afaafka hore ee Villa Somalia.