Cali Jayte oo si kulul uga hadlay dagaalka Beledweyne+VIDEO

62

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, haatan ah hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleyda ee dalka Cali Jayte Cismaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay halkaas.

Dagaalkan oo soo billowday xalay ayaa soo gaaray barqadii maanta, wuxuuna u dhexeeyay ciidamada HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la baxay ‘Hiiraan State’.

Cali Jayte ayaa dagaalkan ku eedeeyay madaxda HirShabelle, wuxuuna sheegay ciidamada weerarka soo qaaday ay ka yimaadeen dhanka Jowhar, sida uu hadalka u dhigay.

“Magaalada Beledweyne xalay, illaa hadda xabad baa ka socotay ciidanka meeshaas soo weeraray qaybta koowaad waxay kasoo baxday magaalada Jowhar oo muddaba nimanka habar shiis la dhihi jiray ay dad ku uruuriyeen oo shirar ay ka wadeen sidii meeshaan dhibaato looga gaysan lahaa” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Ciidan ayaa halkaas laga soo abaabulay fidnaa laga soo abuuray Jalalaqsi ayay yimaadeen, kadib Buulo-burde, waxaana la keenay Beledweyne”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkan uu gaystay khasaare kala duwan oo dhimasho, dhaawac iyo burburba leh.

“Halkaa khasaare ayaa ka dhacay, dadna waa dhintay, dadna waa dhaawacmay, hanti badana way burburtay” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’idku yiri Cali Jayte Cismaan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in shacabka Beledweyne oo markii hore la daala dhacayay qaraxyo loogu daray duulaan toos ah, sida ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

“Dad shacab ah oo masaakiin ah iyo magaalo qaraxyo ka dharagtay oo awal Al-Shabaab qaraxyo kala daaleen ayaa maanta duulaan loogu daray, waxa ugu daraayana waa dad wixii dadka ka dhexeeyay haayay” ayuu mar kale yiri hoggaamiyaha Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana istaagay dagaalkii xooganaa ee ka socday Beledweyne, welina ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka HirShabelle.