Afhayeenka Xukuumada iyo Xildhibaano kale oo kudhawacmay dagaalka SYL HOTEL

97

Waxaa isa soo taraya faahfaahinada laga helayo khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo caawa ka socda Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan DF.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in masuuliyiinta ku dhaawacmay hotelka uu ka mid yahay afhayeenka xukuumada Somalia Farxaan Maxamed Jimcaale oo qeyb ka ahaa masuuliyiin ku sugnaa gudaha hotelka markii uu dhacayey weerarka.

Dhaawaca afhayeenka ayaa la soo sheegayaa in loola cararay Isbitaalka Digfeer, lamana oga heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Sidoo kale warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Xildhibaanad Amina Hussein Caliyow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamanka Somalia ay ka mid tahay dadka ku dhaawacmay weerarkaas o weli socda.

Waxaa horey loo xaqiijiyey in Taliyaha Booliska gaarka ah ee Haramcad, Cabdixamiid Fanax iyo Xoghayaha Maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ay ka mid yihiin dadka ku dhaawacmay weerarkan.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al shabaab iyo ciidamada amaanka DF ayaa weli ku dhex dagaalamaya hotelka SYL oo weerarkan uu u noqonayo kii 3aad ee lagu galo sanadihii la soo dhaafay.