Al-Shabaab oo Oday 75 Sano jir ah meel fagaare ah kutoogatay

1665

Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla deegaanka Tooratootoow ee Shabeellaha Hoose waxaa shalay Gelinkii dambe ay ku toogteen Oday jira da’da 75 kaas oo ay ku eedeeyen in uu isla wada guursaday Gabar iyo Hooyadeed.

Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Tooratootoow ayay Al-Shabaab isugu yeereen,waxaana halkaasi ay ku toogteen Odaygaas oo Magaciisa lagu sheegay Abshir Maxamad Cabdi.

Garsooraha Maxkamada Al-Shabaab ee deegaanka Tooratootoow ayaa sheegay in uu Maxkamada u soo dacwooday Nin Adeer u ah Gabadha uu Odayga Guursaday oo lagu Magacaabo Xassan Khaliif Aadan,isaga ku eedeeyay in Gabadha Hooyadeed uu horay u qabay haatana uu Gabadha hal cunug ka dhalay.

Dhacdadaas oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa waxaa xusid mudan in horay Al-Shabaab ay dil toogasho ugu fuliyeen dad ay ku eedeeyeen falal kala duwan iyo inay la Shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.