Alcadaala;”Waxa Socda Waa Afgambi Dadban Mana Guuleysanayo”

908

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dowlada federalka Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in uu jiro afgambi dadban.

Alcadaala oo saaxib dhow la ah Rooble ayaa bartiisa Facebook soo dhigey qoraal kooban oo uu ku sheegayo inuu jiro afgambi dadban balse aan guuleysan doonin.

Qoraalka Alcadaala ayaa soo baxay kadib warar sheegay in saaka laga horistaagay raiisul wasaare Rooble inuu tago xafiiskiisa.

“Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo.Raisul wasaare Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah.”ayuu ku qoray bartiisa Wasiir ku xigeen Alcadaala.