Andy Robertson Oo Kashifay Qaabkii Uu Mohamed Salah Uga Fal Celiyay Kaydkii La Dhigay Kulankii Crystal Palace

1790

Xiddiga garabka daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa kashifay qaabkii uu Mohamed Salah uga Fal celiyay Kaydkii la dhigay kulankii Crystal Palace ee sabtidii kana tirsanayd Premier leageu.

Salah ayaa kaydka ku bilowday kulankii Crystal Palace inkasta oo uu ka soo kabsaday dhaawacii kuraanta waxana uu Klopp go,aansaday in uuna ciyaarsiin xiddiga reer Masar.

Liverpool aya maqnaanta Salah ku badisay 2/1 kulan uu Roberto Firmino u dhaliyay goolka guusha oo wakhti dambe ahaa.

Robertson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Salah waxa uu dareemayay niyad jab kadib markii uuna ka qayb qaadan kulankii Crystal Palace”.

“Klopp ayaa go’aansaday in uu ka saaro shaxda waliba kaydka dhigo inkasta oo uu Salah Taam ahaa laakiin wuu qaatay Go’aanka tababaraha”.