Anthony Martial Oo codsaday In Boolis La Hor Dhigo Gurigiisa

1443

Xiddig ka mid ah kooxda Man United ayaa u cabsaday naftiisa kadib markii uu hanjabaad iyo waliba Cunsurinimo kala kulmay taageerayaasha kooxda Man United kadib qaab ciyaareed xun oo uu soo bandhigay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Xiddiga kooxda Man United weerarka uga ciyaara weerarka ee Anthony Martial ayaa Maamulka Man United ka codsaday in Boolis la hor dhigo gurigiisa kadib markii dil loogu hanjabay isaga iyo xaaskiisa kadib qaab ciyaareed xun oo uu soo bandhigay labadii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Xiddiga Anthony Martial ayaa helay fariimo dil loogu hanjabayo isaga iyo xaaskiisa hadii ay isaga tagi waayaan kooxda Old Trafford kadib kulankii Sheffield United.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in Anthony Martial Maamulka Kooxda ka dalbaday in ay boolis hordhigaan gurigiisa kadib markii uu naftiisa u cabsaday.

Martial ayaa kooxda Man United ka ahaa xiddig muhiim ah sanadihii ugu dambeeyay laakiin xiddiga ayaa qaab ciyaareed xun soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay ee Man United.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN