Al Shabaab Oo Sheegtay Sababta ay udileen General Galaal

1427

Ururka Al Shabaab ayaa Bayaan ay Maanta soo saareen waxay ku sheegeen in Bartilmaameedkooda uu ahaa General Maxamed Nuur Galaal ayna ku guuleysteen.

 

Inay qabsadeen oo ay Saacado ka dhex dagaalamayeen Hoteelka kasokoow Al Shabaab ayaa sheegay in 23 Qof ay dileen 40 kalena ay dhaawaceen.

Dilka General Galaal ayey sheegeen in muddo ay raadinayeen iyagoo ku Eedeeyey Shirqoolkii lagu dilay Hogaamiyihii Al Shabaab Aadan Xaashi Ceyroow 1-dii May 2008-dii Ee Duqeynta Dhuuso mareeb laga fuliyey.

Al Shabaab ayaa General Maxamed Nuur Galaal ku sheegay in Sirdoonka Cadaanka uu la shaqeyn jiray islamarkaana uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay in la aas aaso Xoogagii Ahlusuna Waljamaaca.