Aqriso magacyada Safiirada xalay lamagacaabay

166

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay safiiro cusub oo kor u dhaafaya illaa 10 Danjire, kuwaas oo Soomaaliya uga howlgeli doono caalamka.

Ujeedka magacaabistan ayaa lagu sheegay si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay dalalka caalamka.

Sidol.kale xubnaha la ansixiyay ayaa waxaa ku jiro laba Qunsul, waxaana ay kala yihiin:- 1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir, 2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir, 3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir, 4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir, 5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir, 6. Faysal Axmed Salaad – Safiir, 7. Abiib Muuse Faarax – Safiir, 8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir, 9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir, 10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir, 11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir, 12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir, 13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud, 14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay safiiro cusub oo kor u dhaafaya illaa 10 Danjire, kuwaas oo Soomaaliya uga howlgeli doono caalamka.

Dhinaca kale shirka ay xalay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday weerarkii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay, kaas oo lagu laayay dad badan oo aan waxba laga galabsan.

Golaha ayaa sidoo lale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Qorshaha lacagtan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.