Aqriso: War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka Garoowe

1643

Puntland ayaa War Murtiyadeed kasoo saartay Shirkii Wadatashiga Puntland ee Saddex maalin ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Shirweynaha ayaa soo jeediyey in la adkeeyo midnimadda iyo wadajirka Soomaaliya, iyaddoo loo marayo nidaamka Federaalka.

Madasha shirka ayaa sidoo kale ku baaqday in dib loo dhigo hanaanka dhameystirka dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya, maadaama habka hadda loo waddo aanan loo dhameyn, sida lagu sheegay qoraalka.

Shirka ayaa ugu baaqay saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya in ay xoojiyaan taageerada barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland.

Qoraalka kasoo baxay shirka ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka isla markaana u awood-sheeganeyso maamulada, ayna caburineyso siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Sidda ku xusan war-murtiyeedka , shirku wuxuu cambaareeyay faragelinta ciidan ee ka dhacday doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyo si lamid ah tan ka ku socota Gedo.

Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha.

Madasha oo ay ka qeybgaleen in ka badan kun ergo ah oo isugu jirta goleyaasha dowladda Puntland, madax haatan xil ka heysa waddanka iyo siyaasiyiin ayaa waxay socotay muddo saddex maalmood ah.

Qodob 10-aad ee War-murtiyeedka, ayaa lagu go’aamiyay in Xukuumadda Puntland oo ka wakil ah shacabkeeda, ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo baal-marista Nidaamkii dowladnimo ee lagu heshiiyay.