Arsenal oo barbaro La Gashay Wolves +SAWIRRO

1881

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh oo aan guuldaro u dhaamin la gashay kooxda Wolves Kulanka ka dhacay Emirates kana tirsanaa todobaadkii 11-aad ee horyaalka prmeier League.

Kooxda Arsenal ayaa ahayd mid maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Wolves Laakiin ugu dambayn Arsenal ayaa iska kumisay 2 dhibcood oo muhiim ah.

Hadaba waxa aan halkan ku Falanqayn doonaa sababta ka dambaysa Bar-baraha Arsenal iyo khaladaadka keenay in ay Gunners mar kale dhibco lumiso inkasta oo ay gool ku hor martay.

1.Unia Emery:

Waa arin ama Khalad mar walba soo noq-noqda oo aynu ku soo qaadanay falanqaynteeni hore taas oo in uuna Unia Emery ilaa haatan waxba ka ogayn shaxdiisa ugu fiican ee Arsenal.

Sidii aan horay uga baranay tababare Unai Emery ayaa ku soo galay shax ka duwan shaxihiisii hore isaga oo ku ciyaaray xiddigo cusub oo kale.

Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in uu kulanka ku ciyaaray 4 khad dhexe oo dhamaantood wada weerar ah ama weerar ka ciyaarayay xiddiga Lucas Torreira ayaa ah xiddig khadka dhexe ee daafac ah laakiin Unai Emery ayaan la ogayn meesha uu ka ciyaarsiinayay xiddiga isaga oo bilaa boos ahaa oo aan ka ciyaarayn khadka dhexe ee daafaca ama khadka dhexe ee weerarka.

2.Badalka:

Waa kulankii 3-aad ee uu badalka tababare Unai Emery dhibco ka khasaariyay kooxda Arsenal marka lagu daro kulankii Carabao Cup-kaee ay guuldarada kala kulmeen kooxda Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaa u muuqatay kuwo gabi ahaan maamulaya ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Wolves kuwaas oo raadinayay goolka bar-baraha laakiin aan ka fiicnayn Arsenal.

Laakiin Tababare Unai Emery ayaa badala sameeyay isaga oo badalay xiddiga Lucas Torriera kaas oo khadka dhexe si fiican ugu maamulayay inkasta oo aan la ogayn booska uu khadka dhexe uga ciyaarayay kooxda.

Isla markii uu Torreira badalay ayay kooxda Wolves dhalisay goolka bar-baraha taas oo muujisay in uu khalad ku galay in uu kala kiciyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Kooxdiisa ayaa ahayd mid hogaanka ciyaarta u haysa waxa ay ahayd in uu sameeyo in uu isku dayo in uu ciyaarta maamulo inta ka dhiman iskuna dayo in ayna kooxda Wolves dhalin goolka bar-baraha.

Waxa uu badalay Lucas Torriera waa caadi in uu badalo xiddiga khadka dhexe laakiin muxuu la soo doonay da,yarka Bukayo Saka, muxuuse la qabanayay Nicolas Pepe waxa ay ahayd in uu in uu Pepe soo galiyo ciyaarta halka uu soo galinayo xiddig da,yar ah kaas oo aan waxba ciyaarta ka badalin.

Khaladka kale ee uu sameeyay ayaa ah badalkii uu ku sameeyay Kieran Tierney kaas oo ay ahayd in uu weerar soo galiyo marka loo eego in ay ciyaartu dhamaad ahayd waliba kooxdiisu raadinaysay goolka guusha.

3.Arsenal Oo Kubada Culus Ciyaaraysay:

Kooxda Arsenal ayaa qaybtii hore soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican iyaga oo ciyaarayay kubad deg-deg ah oo uu ka mid ahaa goolkii ay ka dhaliyeen ciyaarta oo ay 3 xiddig si deg-deg ah isku dhaafiyeen waliba ka dhaliyeen goolka.

Laakiin qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Arsenal gabi ahaan noqotao koox si jilicsan u ciyaaraysa kubada iyaga oo aan ciyaarin kubad deg-deg ah sidii ay qabtii hore ee ciyaarta.

Taas ayaa keentay in ay kooxda Wolves dib u soo kacdo waliba cidhiidhi galiso kooxda Arsenal kuwaas oo u muuqday kuwo doonayay in ay goolka ilaashadaan.