Arsenal Oo doonaysa Badalka Laurent Koscienly

1886

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa nolol ka dambaysa kabtankeeda Laurent Koscienly kadib markii uu xiddigu diiday in uu kooxda ula safro kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub si uu ugu qabo in ay iibiyaan xagaagan.

Arsenal ayaa bartilmaameedsanaysa daafaca kooxda Benfica ee Ruben Dias kaas oo ay u doonayaan badalka kabtnakooda ka falaagoobay ee Laurent Koscienly sida ay sheegayaan wararku.

Laurent Koscienly ayaa madax xanuun kale ku riday tabaabre Unai Emery todobaadkan kadib markii uu diiday in uu xiddigaha ula safro America kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub 33 jirka ayaa Emery u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda kadib markii uu xiiso ka helay kooxo horyaalka France ah.

Arsenal oo kaliya 45 Milyan ku galaysa suuqa xagaaga ayaa u sheegtay in ayna ogolayn in uu isaga tago kooxda maadama ay adkaanayso in ay lacagta yar u goyn doonto badalkiisa.

Laakiin haatan daafaca dhexe ayaa noqday muhiimada 1-aad ee Arsenal kadib markii uu Laurent Koscienly diiday in uu kooxda u raaco America.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Arsenal bartilmaameed ka dhigatay daafaca kooxda Benfica iyo xulka Portugal ee Ruben Dias.

22 jirka ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 66 Milyan oo euro laakiin Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay qiimo yar kala hashiiso kooxda reer Portugal.

Ruben Dias ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxda Man United kuwaas oo dhankooda raadinaya daafac dhexe.