Arsenal Oo Garaacday Brentford +SAWIRRO

252

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Brentford kulan dhinac kaliya ahaa oo ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Gtech Community Stadium.

Kulanka ayaa ku bilowday mid ay Brentford u muuqatay kuwo fiican daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta iyaga oo Arsenal ku qaadayay weeraro xilli ay Arsenal ka yara muuqatay Cabsi.

Arsenal ayaa difaac ku jirtay iyaga oo adeegsanayay weerarada rogaal celiska ah xilli ay iska ilaalinayeen in ay Brentford gool uga hor marto.

Daqiiqadii 17-aad ayay Arsenal dhalisay gool kadib markii uu daafaca William Saliba u dhaliyay gool madax ah sidaasna hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Arsenal ayay kalsooni gashay waxana ay la waregeen maamulista ciyaarta iyaga oo Brentford ku qasbay in ay difaac galaan.

Arsenal ayaa samaysay fursado cajiib ah laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay gool u badalaan fursadahaas.

Daqiiqadii 28-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal ahayd kooxda kooxda ku fiican dhinac walba oo ciyaarta ah inkasta oo ay si xun ku bilaabatay daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Arsenal ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta xilli ay Brentford lafteedu samaynayso fursado cajiib ah.

Goolhayaha Arsenal ee Ramsdale ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ilaashato shabaqeeda.

Daqiiqadii 49-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxnaa u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Fabio Vieira kaas oo gool cajiib ah u dhaliyay kooxdiisa.

Kooxda Brentford ayaa samaysay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kartay laakiin Arsenal ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda una diiday Brentford in ay gool dhalis.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guul ka caawisay in ay la wareegto hogaanka horyaalka premier League kuna soo laabatay wadada guulaha.