Real Madrid Oo Guul ka Gaartay Atletico Madrid +SAWIRRO

284

Real ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen dariskooda Atletico Madrid oo ay uga talaabsadeen  laba gool iyo hal  , waxa uuna kulankaan ka tirsana wareegga 6-aad ee La Ligaha.

Sheekada qeybta hore : Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay Atletico laba gool oo nadiif ah ka dib markii ay labada koox soo bandhigeen kubad ku saleysan awood jireed .

Atletico si ayay daafac ugu jirtay si saxna kubadda uma aysan so jiideyn inkastoo fursad gool noqon kartay biloowgii laga diiday  Griezmann

Real waxa ay ku fiicnaayeen isku balaarinta garoonka iyo cadaadiska waa ayna u diidayeen Atletico in kubadda cagtooda ku daahdo .

Sidaas oo ay tahay Atletico  gaabis ayay ka ahayeen qadka dhexe  , waxaana goolasha Real saxiixay Rodrygo iyo Valverde daqiiqadihii 18aad iyo 36-aad

Qeybta labaad : biloowgii  , labada koox kubadda waa ay u furneyd ,heer ciyaareed ahaan waa isu dhawaayeen labada koox mana jorrn halis gilin muuqatay .

Atletico qeybta labaad isku dayo ayay sameeynayeen  balse deg degsiimo ayaa dileeysay halka Real u muuqdeen kuwo si isu dajiyay

Real kubad maskaxeysan ayay ciyaarayeen , waa ay deganaayeen , xilli qeybtaas labaad aysan abuurin furasd xaqiiqo ah waxa ayna u muuqdeen kuwo ka faa`ideystay fursadihii qeybtii hore

Atletuco , dhamaadkii kubadda waa ay gaarsiinayeen goosha Real illaa ay keeneen gool daqiiqadii 83-aad waxaana saxiixay Hermoso.

Si waliba ayay Atletico u dadaaleen balse ma dhicin waxaana ciyaarta looga dhameeyay 2/1 oo ay Real ku gaarray guul muhiim ah  xili waqtigii dheeriga Atletico kaarka cas laga siiyay Hermoso.