Arsenal Oo Gul Darro Kala Kulantay Frankfurt Xilli Taageerayaasha Arsenal Dalbanayeen In Shaqada Laga Joojiyo Emery, Qaarna Ma Aysan Soo Xaadirin

1840

Arsenal ayaa nasiinada uu dirtay Eintracht Frankfurt hal gool oo nadiif ah, waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 5-aad ee tartanka Europa League .

Arsenal qeybtaas hore iyaga ayaa wacnaa kuna badnaa maamulka kubadda waxaana jiray fursado ay iska qasaariyeen .

Kooxda reer Jarmal mararka qaar halis ayay ahaayeen waxaana lagu dilay kubaddaha ay Arsenal ka dhisayeen garbaha , waxaana Arsenal daqiqaddii 31-aad ka dhaawacmay David Luiz oo lagu badalay Matteo Guendouzi .

Sidaas oo ay tahay Arsenal waxa ay goolka heleen daqiiqadihii 1-aad ee waqtiga dheeriga waxaana saxiixay Aubameyang, waxa ayna ciyaarta dhamaadkii aheyd mid u furneyd labada dhinac .

Qeybta labaad kooxda reer Jarmal dar dar ayay ku soo galeen waxa ayna dagaal ugu jireen goolka bar bar dhaca kaas oo ay keeneen daqiiqaddii 55-aad waxaana saxiixay Daichi Kamada xilli uu ka muuqday qalad daafac ah maadaama laacibka oo meel fog ka toogtay.

Arsenal si hanaankii weerar ee qeybtii hore u soo celiyeen waxa ay soo giliyeen Ozil oo daqiiqaddii 60-aad loo badalay Gabriel Martinelli .

Balse Arsenal oo weerarka looga wacnaa gool labaad ayaa lagu helay waxaana mar kale laad ka dhaliyay Daichi Kamada daqiiqaddii 64-ad , waxa ayna taageerayaasha Arsenal ka dib goolkaas la soo baxeen boorar ay ku dalbanayeen in macalin Unai Emery kooxda laga eriyo.

Arsenal dhamaadkii waxa ay isku dayayeen in goolka bar bar dhac keenaan xilli dhankooda lagu halis gilinayay kuwo rogaal celiska ah wax aayna daqiiqadii 76-aad soo giliyeen Lucas Torreira oo loo badalay Shkodran Mustafi

Waxaa la arkayay qaar ka mid ah taageerayaasha Arenal oo garoonka ka sii baxaya ka hor inta ciyaarta dhamaan xilli qaarkood aysan soo xaadirin garoonka ,waxaana kooxda Arsenal dhamaaadkii ku adkaa in aaga goosha kooxda reer Jarmal kubadda gaarsiiyaan balse kubad haysasho ayay sameynayeen balse wax laguma keenin

Si waliba Arsenal ayaa looga dhameeyay 2/1 , waxa ayan haatan calaamad su`aal dul saaran tahay mustaqnalka macalinka kooxdaas?