Falanqayn: Liverpool Niyad Uma Hayso Ku Guulaysiga Champions League, Horyaalka Ayaa Uga Muhiimsan & Arintan Oo Cadayn U Ah.

1608

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro la gashay kooxda Napoli kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa wali sii wadan karta difaacashada koobka ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore iyaga oo kaliya u baahan bar-baro ay la galaan kooxda Salzburg kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada champions League.

Laakiin Reds ayaa u muuqata mid aan dan iyo muraad ka lahayn difaacashada champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo dareenkooda siiyay ku guulaysiga Premier League.

Sida aan aragnay kulamadii ugu dambeeyay Liverpool ayaa laba qaab ciyaareed oo aad u kala duwan ku kala ciyaarta tartanka champions League iyo Premier League taas oo cadayn u ah tartanka ay muhiimada siinayso kooxdu xilli ciyaareedkan.

Hadii aynu ku bilowno kooxda Liverpool ayaa ciyaartay 5 kulan oo champions League ah waxana laga dhaliyay 8 gool halka Premier Leaguea ciyaartay 13 Kulan oo laga dhaliyay 11 gool.

Waxa intaas sii dheer in ayna Liverpool shabaqeeda ilaashan wax kulan ah champions League iyada oo dhamaan shabaqeeda la soo taabtay 5-tii kulan ee ay ciyaartay.

Inkasta oo ay Liverpool guud ahaan dhanka shabaq ilaasashada ku dhibaatoonayso hadana waxa aan isku mid ahayn qaabka ay u kala ciyaarto horyaalka iyo champions League.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan looga bartay ruuxda cajiibka ah ee ayna isku dhiibin ilaa inta ay guusha gaadhayso laakiin taas ayaan ka soo muuqan kulankii Napoli ee xalay iyada oo xiddigaha Reds u ciyaarayeen qaab aanay cadaadis isku saaryan in ay guusha gaadho marka loo bar-bar dhigo kulankii Crystal Palace ee ay wax walba u samaysay sidii ay goolka guusha u dhalin lahayd kadib markii ay Palace bar-baraysay.

Isku soo wada duuboo kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo doonaya in ay soo afjaraan 29-ka sano ee ayna kooxdu ku guulaysan champions League marka loo bar-bar dhigo in ay ku ceshadaan champions League mar kale.
Laakiin kooxda Liverpool ayaa soo dhawaynaysa in ay hal mar ku wada guulaystaan horyaalka iyo waliba champions Leaggue ahdii ay fursad u helaan.