Arsenal Oo Guul Weyn Ka Gaartay Brighton+SAWIRRO

317

Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay Brighton oo ay uga talaabsadeen afar gool iyo laba ka dib ciyaar ay aad u wacnaayeen qeybta labaad

Arsenal qeybta hore kuma soo muuqan bandhiggii lagu yaqiinay mudooyinkaan inkastoo laba gool lahaayeen waxaan kubad haysashada ku sareeysay Brighton

Dib ayay u guranayeen wiilasha Arteta oo daafac ahaan waa ay wacnaayeen halka kooxda kale ku yaraayeen halis gilinta inkastoo gool laga bad baadiyay .

Qeybta labaad , ciyaar qurxoon ayay soo bandhigeen waxa ayna muujiyeen in ay mudan yihiin in ay horyaalka hayaan

Garbaha kooxda Arsenal aad ayay u wacnaayeen iyadoo goolka sedexaad heleen qeybta labaad waxaana sedexdaas gool kala saxiixay Saka , . Odegaard iyo . Nketiah iyo Martinelli

Kooxda Brightonn rogaal celiska waa ku fiicnaayeen gool raadisna wa ahaayeen xilli Arsenal iyana baxsad ahaayeen inakstoo lagu helay gool daqiiqadii 65-aad balse Arsenal gool 4-aad ayay heleen waxaana saxixiay . Martinelli daqiiqadii 71-aad .

Arsenal waxa y direen farriin ah in sanadkaan horyaalka doonayaan marka la eego sida kalsoonida leh ee ay u ciyaarayaan iyo is fahanka ka dhaxeeya ciyaartooyda kooxda inakstoo qalad ka dhacay dhaaamdkii ku keenay guul daqiiqadii 77

Brighton dhamaadkii waa wacnaayeen xitaa gool sedexaad laga diiday xilli goolhayaha Arsenal-na uu didanaa balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 4/2

Guushaan waxa ay ku sii dheereysteen horyaalka ka dib bar bar dhicii City ee Everton , waxa ayna ku hayaan horyaalka 9 dhibic.