Everton Oo barbardhac kuqabatay Man City+SAWIRRO

224

Kooxda Man City ayaa taako kala kulantay kooxda Everton kulan ka tirsanaa premier league kana dhacay garoonka Etihad.

Man City ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo maamulayay isla markaas raadinayay in ay dhaliyaan gool ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Dhinaca kale Everton ayaa bilowga ciyaarta ku gashay 5 difaac ah waxana ay doonayeen in ay hal dhibic kala baxaa kulanka.

Man City ayaa sidii caadada u ahayd maamulaysay ciyaarta xilli ay Everton ku jirtay daafaca isla markaas qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ka midho dhalisay weerarkii ay qaadaysya waxana ay daqiiqadii 24-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana uu dhaliyay xiddiga Erling Haaland.

Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay goobo galiyeen Everton oo xitaa ku dhibaatoonaysa in ay weerar qaado isla markaas aragto goolka Man City.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta waxana ay ahayd mid dhinac kaliya ah xilli Everton ka badbaaday in laga dhaliyo goolal intaas ka badan.

Kooxda Everton ayaa qaybta dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Everton ayaa daqiiqadii 64-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Demarai Gray kaas oo gool ka dhaliyay fursadii ugu horaysay ee Everton.

Wixii intaas ka dambeeyay Everton ayaa 11 xiddig ku difaacanaysay goolkooda xilli ay Man City 10 xiddig ku weeraraysay Everton.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City taako kala kulantay kooxda Everton sidaasna ku lumisay 2 dhibcood oo muhiim ah tartanka horyaalka.