Arsenal Oo Haatanba Ka Quusatay Saxiixeeda Ugu Qaalisan Ee Nicolas Pepe & 3 Xiddig Oo Ay Badalkiisa U Dhaqaaqi Doonto January Oo la Ogaaday

1666

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo ka quustay saxiixooda ugu qaalisan ee Nicolas Pepe kadib markii uu xiddiga 72 milyan ku fadhiya ku dhibaatooday Emirates tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa in uu mar kale mashquul ahaan doono suuqa January si uu u raadiyo badalka xiddiga dhibaatoonaya ee Nicolas Pepe sida ay sheegayaan wararku.

Emery ayaa 72 milyan kula soo wareegay xiddiga reer Ivory Coast laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo isaga oo kaliya dhaliyay hal gool ilaa haatan premier League.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Arsenal isku diyaarinayso in ay xiddig garabka ka ciyaara la soo saxiixato marka la gaadho suuqa January si ay ugu badasho Pepe.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga Memphis Depay kaas oo ay u aragto xiddig caawin kara kooxda marka loo eego khibrada uu ku leeyahay horyaalka premier League wakhtigiisii Man United.

Xiddiga kale ayaa ah xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez kaas oo ay doonaysay ilaa xagaagii, waxana ay Gunners Doonaysaa in ay heshiis amaah ah ku hesho xiddiga reer Spain sida ay Dani Cellos ugaga soo qaadatay amaah.

Xiddiga kale ayaa ah Daniel Podence kaas oo garabka uga ciyaara kooxda Olympiakos waxana ay Arsenal la socotay xiddiga tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan waxana ay indha-indheeyayaal u diri doontaa todobaadka dambe marka uu iman doono London si uu uga hor tago kooxda Tottenham kulan champions League ah.