Man City Vs Chelsea: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood, Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh?

2307

Kooxaha Man City iyo Chelsea ayaa isaga hor imanaya kulan adag oo ka dhici doona Etihad Staduim kaas oo ka tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka premier League.

Kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen kooxda Liverpool ka hor fasaxii xulalka, Pep Guardiola iyo kooxdiisa ayaa doonaya in ay ku soo laabtaan guulaha iyo waliba tartanka horyaalka.

Dhanka kale Blues ayaa ku jirta wakhti fiican iyada oo caruurta chelsea ay gaadhay 6 guulood oo xidhiidh ah xilli kooxda Lampard ay hal dhibic ka horayso kooxda Man City.

Shabakada Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulanka caawa itaga oo soo xushay kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo kue leh 7 xidddig halka ay Blues ku leedahay kaliya 4 xiddig.

Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood:

Combined XI: MNC vs. CHE