Arsenal Oo Haatanba Wadahadalo La Furtay Tababaraha Ay Doonayso In Ay Ku Badasho Unai Emery & Go’aanka Tababaraha Oo Haatanba La Ogaaday

1699

Kooxda Arsenal ayaa wadahalo kula jirta Tababare Massimiliano Allegri xilli uu tababaraha reer Italy ogolyahay in uu Unai Emery ka badalo shaqada Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa shaqada ka caydhisay tababare Emery kadib guuldaradii 2/1 ahayd ee kooxda ka soo gaadhay Eintracht Frankfurt  kana tirsanaa Europa League.

Gunners ayaa 7 kulan guuldaro la,aan ah tartamada oo dhan taas oo ah rikoodhkii ugu xumaa oo February 1992.

Freddie Ljungberg ayaa noqon doona tababaraha ku meel gaadhka ah isaga oo hogaamin doona kooxda ka hor inta aanay kooxdu tababare cusub magacaabin.

Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Arsenal xidhiidh la samaysay Tababare Massimiliano Allegri waxana uu tababarihii hore ee Juventus sheegay in uu diyaar u yahay in uu noqdo tababaraha Arsenal.

52 jirka ayaa haatan bilaa shaqo ah kadib markii uu ka tagay kooxda Juventus dhamaadkii xilli ciyaareedkan.