Man United oo kugal galatay Norwich City +SAWIRRO

2583

Manchester United ayya guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Norwich City garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Man United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Marcus Rashford, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Juan Mata.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Manchester United ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Marcus Rashford ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0.

Laakiin daqiiqadii 54-aad Manchester United ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Anthony Martial, waxaana markale goolkan caawiyay Juan Mata.

Daqiiqadii 76-aad kooxda Manchester United ayaa la timid goolkeeda 4-aad ee ciyaarta waxaana 4-0 ka dhigay Mason Greenwood.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaaray 4-0 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Norwich City oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.