Xulka Cameroon Oo garaacay Brazil +SAWIRRO

322

Xulka Cameroon ayaa garaacday xulka Brazil ka tirsanaa koobka adduunka iyada oo xulka Brazil guuldaro ku xidhatay wareega Group-yada koobka adduunka.

Xulka Brazil ayaa is badal weyn lagu sameeyay iyada oo tababare Tite nasiyay xiddigaha ugu muhiimsan xulkiisa maadama ay wakhti hore u gudbeen wareega xiga.

Xulka Brazil ayaa balansaday xulka South Korea kulan ka tirsan wareega 16-ka koobka adduunka kadib markii ay kaalinta 1-aad kaga soo bexeen Group-kooda.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Brazil maamulayay isla markaas ka fiicnaa xulka Cameroon kuwaas oo weeraro rogaal celis ah adeegsanayay.

Saaxiibada Neymar ayaa marar badan ku dhawaaday in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta xilli ay Cameroon inta badan difaac ku jirtay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada xulba wax gool ah kala dhalin laakiin xulka Brazil ahaa midka halista badan.

Xulka Cameroon ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta u muuqday mid dhaama sidii hore iyaga oo halis galiyay goolka xulka Brazil dhawr marna ku dhawaaday in ay gool dhaliyaan.

Labada xul ayaa is dhaafsaday fursado iyada oo xul walba doonaysay in ay guul ka gaadhaan kulanka isla markaas helaan fursado.
Daqiiqadii 90+2-aad ayuu xulka Cameroon dhaliyeen goolka waxana u dhaliyay xiddiga Vincent Aboubakar kaas oo hogaanka u dhiibay ciyaarta.

Xiddiga Vincent Aboubakar ayaa loo taagay kaadhka cas ee ciyaarta kadib markii uu maaliyada iska saaray una daal-dagay goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Cameroon qarxiyay lama filaan isla markaas garaacay xulka loo saadaalinayo ku guulaysiga koobka adduunka.