Gudoomiye Sacdiya Salaad oo la kulantay culimada+SAWIRRO

338

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta kulan la qaadatay qaar ka mid culima’udiinka Soomaaliyeed xilli ay sheegtay in nolosheeda ay halis ku jirto.

Sacdiya ayaa culimada kala hadashay arrimo ku saabsan hadalladii ay ka jeedisay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay culimada ku weerartay, kuwaas oo salka ku hayey doodda ku saabsan sharciga jinsiga.

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin ayaa culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi, waxayna bulshada iyo culimadda Soomaaliyeed uga jawaabtay khudabadii ay ka jeedisay daah-furka ololihii 16-ka maalmood ee tacadiyadda ka dhanka ah ee haweenka iyo carruurta.

Sacdiya ayaa culimada u sheegtay in hadalladii baraha bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aanay ahayn kuwa hal meel u wada socda.
Sacdiya Yaasiin ayaa bulshada Soomaaliyeed u sheegtay inay wada ilaaliyaan shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, ayada oo mar kale adkeysay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo ilaalinta diinteena Islaamka.

Siyaasiyiin, xildhibanano iyo culimo badan ayaa si weyn u dhaliilay xildhibaan Sacdiya, waxaana socda qorshe bilow ah oo la doonayo in mooshin xil ka qaadis ah looga keeno.
Xildhibaan Sacdiya ayaa shalay sheegtay inay soo gaareen farriimo hanjabaadyo ah islamarkaana nolosheeda ay halis ku jirto.

Marwo Sacdiyo Yaasiin waxay intaasi ku dartay in hadalkeeda lasoo jarjaray, islamarkaana si khaldan loo dhigay, kadibna lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in ayadu aysan qayb ka aheyn dadka u doodaya meel-marinta xeerka Jinsiga ee ay haatan dooda adag ka taagan tahay, ayna ka mid aheyd xildhibaanadii horey u diiday meel marimnta sharcigan, sida ay haatan ku dooday.

Waxa kale ay sheegtay in kaliya ay ololeyneyso kaliya wax ay ugu yeertay ‘Sharaf Dhowr’ si ay xuquudooda gaar ahaaneed u helaan dumarka, gaar ahaan kuwa loo geysto tacadiyada.

Arrintaan oo ay ka dhalatay xasaasiyad xoogan ayaa waxaa soo farageliyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Aadan Madoobe), kaas oo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.