Rooble oo loomagacaabayo xil muhiim ah

265

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka fakaraya inuu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabo safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas ku warramay Africa Intelligence.

Sida lagu sheegay warbixinta Africa Intelligence, Rooble ayaa dhowaanahan muhiim u ahaa xiriirka dowladda Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa soo celiyey xiriirka labada dal intii uu xilka hayey kadib markii uu xumaaday 2018-kii, xilligaas oo dowladda Farmaajo ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay lacag dhan $9.6 milyan oo ay laheyd safaaradda Imaaraadka, taasi oo markii dambe uu dib u celiyey Rooble.

Waxaa hadda uu Xasan Sheekh ku daray Rooble liiska magacyada shaqsiyaadka ay suurtagalka tahay in loo magacaabo safiirka Abu Dhabi, wuxuu wajahayaa loolan adag.
Tan iyo bishii May, Rooble ayaa xiriirkiisa Imaaraadka wuxuu muhiim u ahaa Xasan Sheekh. Waxa uu ahaa shaqsigii u safray Abu Dhabi isaga oo wakiil ka ah madaxweynaha, si uu madaxweyne Mohamed bin Zayed al-Nahyan u gaarsiiyo tacsi kadib dhimashadii madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahyan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, uu sidoo kale isna aad u riixayo in xilka safiirka loo magacaabo qaar ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow.
Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u dhow, ayada oo dekedda Boosaaso ay maamusho shirkadda P&O Ports, oo hoos tagta shirkadda Imaaraadka ee DP World.