Guddoomiye deegaan oo xabsiga ladhigay

202

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo xiray Faarax Kuulow oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Ceel-macaan.

Faarax Kuulow ayaa sidoo kale ah xubin ka tirsan Golaha degaanka ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka aan ka helayno xariga Faarax ayaa sheegaya in loo haysto inuu leeyahay hubkii lagu dilay labo Haween ah iyo wiil saqiir ah, dil wadareedkaas oo dhawaan ka dhacay Warsheekh.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in guddoomiyaha la xiray wiilkiisa curadka ah iyo mid kale oo uu adeer u yahay oo haystay hubka guddoomiyaha ay fuliyeen dilkaas.
Faarax Kuulow ayaa sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in uu ku guul-dareystay in mudadii ay siisay NISA uu ku keeno wiilashiisa oo ku eedeysan dil wadareedkaas oo aad uga naxeen bulshada Soomaaliyeed.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dhawaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taasi oo uu dhameystirkeeda goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo.