Swiss Oo Wareegga 16-ka U Gudubtay+SAWIRRO

254

Waxa ay aheyd ciyaar adag oo labada qeyb waa ay kala qeybsadeen labada qaran , Serbia ayaa tii hore wacneyd balse Switzarland bahalo ayay noqdeen middii dambe

Ciyaar deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen xilli labada goolhaye ay qaateen dooorkooda, waxa ayna nasiinada ku aadeen bar bar dhac min laba gool ah .

Qeybta labaad xaraarad ayay yeelatay , Swiss gool sedexaad ayay heleen balse Serbia ma aheyn kuwo is dhiibay meel waliba ayay u marayeen sidii gool ay u dhalin lahaayeen
Kubad haysashada labada dhinac waa isu dhaweyd waxa ayna ciyaarayeen kubad furan wax walibana laga filan karay marka la eego sida ay isugu dheeranayeen .

Swiss qaladaad ka dhacay qeybtii hore waa saxeen , tii labaad is fahan iyo go`aan ayaa ka muuqday xilli Serbia ay neerfoose noqdeen dhamaadkii

Serbia dhamaadkii waa dadaaleen balse nasiibka ayaa ka maqnaa. , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay Swiis ugu gudbeen waregega 16-ka.