Arsenal Oo Xasuuqday Everton+ SAWIRRO

250

Arsenal ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Eveton oo ay ku garaaceen afar gool ka dib ciyaar dhan waliba ay ka wacnaayeen wiilasha Arteta

Everton ma aheyn kuwo diyaar u ahaa kulankaan, daafac iyo rogaal celis ayay ku tiirsanaayeen mana aheyn kuwo wax ku ool ahaa

Arsenal isku balaarinta garoonka iyo cadaadiska ayay ku wacnaayeen xilli Everton gaar ahaan qeybtii hore ahaayeen kuwo marti joogto u ah daafaca .

Arsenal waxa ay nasiinada Everton ugu direen laba gool oo nadiif ah oo si wacan looga shaqeeyay waxaana lahaa Saka iyo Martenelli .

Soo laabashasdii , Arsenal cadaadiska ayay wadeen , Everton waa is dhiibeen oo kaliya is difaacid ayay ku jireen waa ayna ka manqeyd falsafada weerarka .

Arsenal weerarkooda ma laheyn kala joogsi , gadaal dambe ayayna ka soo dhisayeen waxa ayna heleen gool sedexaad daqiiqadii 71-aad waxaana lahaa Odegaard ,

Ka dib dhacadaas , wax waliba sahal ayay u ahayeen Arsenal kuwaasi oo dagaal ugu jiray goolal dheeraad ah , waxaana kulankaan ka muuqday wada shaqeyn , aragti dheer iyadoo gool afaraad ay heleen daqiiqadii 81-aad waxaana labeystay Martinelli .

Mararka qaar heerka kubad haysashada Arsenal waxa ay gaareysay %69 , si waliba wax aay ciyaarta ku dhamaatay 4 taas gool oo ay Arsenal laheyd.