Man United Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay West Ham+SAWIRRO

305

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood si fiican u ciyaareen soo bandhigeen ciyaar isku dheelitiran.

Man United ayaa ahayd kooxda ku fiican maamulista ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda West Ham dhinaca kubad haysashada.

Kooxda West Ham ayaa dhinaceeda ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonaysay in ay Man United kaga dhaliso goolal.

Ciyaarta ayaa qaybteeda hore ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah xilli ay labada kooxood heleen fursado fiican oo wax ku ool ah.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayay Labada kooxood dar-dar galiyeen dadaalada ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.

West Ham ayaa daqiiqadii 54-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana au dhaliyay xiddiga Said Benrahma kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Man United ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha si ay ugu soo laabtaan ciyaarta xilli ay West Ham gashay daafac sidoo kale rogaal celis adeegsanaysay.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 73-aad dhalisay gool waxana madax u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo madax ku dhaliyay laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray.

Laakiin Man United ayaa daqiiqadii 77-aad heshay goolka bar-baraha kadib markii uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga West Ham daafaca uga ciyaara ee Nayef Agured kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man United ayaa daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka guusha ahna goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alejandro Garnacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man United ciyaarta ku hogaaminayso.

Man United ayaa daqiiqadii 90+4-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Fred kaas oo ka faa’iidaystay khalad ay sameyeen daafaca West Ham waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul soo laabasho leh oo ay ugu gudubtay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.