Man United Oo Ganaax Dusha Ka Saartay Cristiano Ronaldo+SAWIRRO

276

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ganaax dusha ka saartay xiddiga kooxda 1-aad ee Cristiano Ronaldo kadib wixii uu xiddiga reer Portugal sameeyay kulankii Tottenham.

Cristiano Ronaldo ayaa diiday in uu ciyaaro kulankii Tottenham isla markaas isaga baxay garoonka iyada oo ciyaartu socoto daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Erik Ten Hag ayaa ciyaarta kadib sheegay in uu la hadli doono xiddiga waxana ay haatan Man United shaacisay in ay ganaaxday xiddiga.

Cristiano Ronaldo ayaa maanta yimid tababarka markaas oo loo sheegay ganaaxiisa kadib wixii uu sameeyay kulankii Tottenham ee horyaalka premier League.

Man United ayaa xiddiga Cristiano Ronaldo ku ganaaxday in uu kaligiis qaato tababarka isla markaas uuna tababar la qaadan kooxda 1-aad kadib markii uu diiday in uu ciyaaro kulankii Tottenham.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Man United Cristiano Ka ganaaxday tababarka kooxda 1-aad isla markaas kaligiis qaadan doono tababarka.