Arsenal oo ka adkaatay PSV Eindhoven+SAWIRRO

216

Arsenal ayaa hal dhibci u jirsatay in ay u gudubto wareega 16-ka tartanka Europa League kadib markii ay 1-0 ku garaacday PSV Eindhoven kulan ka dhacay garoonka Emirates.

Gunners ayaa la kulantay daafac adag oo ay kooxda PSV Eindhoven kala hor tagtay xilli ay kooxda reer Netherlands qaadaysya weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 70-aad ayuu xiddiga Granit Xhaka Arsenal u dhaliyay goolka kaliya ee ay ku garaacday kooxda PSV Eindhoven iyaga oo xaqiiqsaday in ay ku dhamaysan doonaan kaalamaha ugu sareeya ee Group-keeda.

Arsenal ayaa Haatan u jirta kaliya hal dhibic in ay xaqiiqsato u soo bixista wareega 16-ka ee tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha Arsenal ayaa dhinaciisa sameeyay badbaadino cajiib ah isaga oo kooxdiisa marar badan ka hor istaagay in ay kooxda PSV gool ka dhaliso.

Arsenal ayaa todobaadka dambe xaqiiqsan doonta in ay kaalinta 1-aad kaga soo baxaan Group-kooda marka ay booqdaan kooxda PSV kulanka 5-aad ee tartanka Europa League.