DAAWO:- Duqa Laascaanood “Somaliland waxay dishay 210 qof

169

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood, Maayarka degmada Laascaanood ee gobalka Sool, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu 24 berri gudahood ku dilay Laascaanood 210 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 680 qof.

Cabdiraxmaan Cali ayaa xusay in 200,000 oo qoys ku barakaceen duullaanka maamulka Somaliland kusoo qaaday Laascaanood, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Somaliland ay laayeen dad safar ah.

Sidoo kale, Duqa Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland dumisay 715 guri, iyo shirkadda Korontada lana dhacday madaafiic culus, waxaana uu tilmaamay in 16,000 oo xarumo ganacsi ay ku xirmeen duullaanka maamulka Muuse Biixi kusoo qaaday Laascaanood.

Waxaa uu xusay in ciidamada Somaliland ay bililiqeysteen guryihii iyo meheradihii ganacsi ee ku yaallay goobihii ay ka dagaalamayeen, ee laga saaray.

Ugu dambeyn, Duqa Laascaanood ayaa beeniyay sheegashada maamulka Somaliland ee la xiriira in Laascaanood ay ka dagaalamayaan argagixiso, ciidamada Puntland iyo ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Baaqa Golaha Deegaanka ee degmada Laascanaood :

1. In Laascaanood iyo nawaaxigeeda laga Saaro ciidamada Somaliand, lana geeyo degmada Caynaba.

2. In shacabka hubaysan laga saaro magaalada si loo soo celiyo noloshii magaalada

3. In Gargaarkii Bini’aadanimo la soo gaadhsiiyo dadkii dhibaatada ay samaaysay.