Neymar, Nancho, Mbappe, Fernandes, Aubameyang & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

1700

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa diyaar u ah in uu iska diido Man United si uu ugu biiro kooxda Real Madrid (Star).

Wakiilka daafaca Leicester City ee Caglar Soyuncu ayaa biyo qabaw ku shubay wararka daafaca la xidhiidhinaya Man City & Arsenal (Star).

Kooxaha Tottemham iyo Man United ayaa loo sheegay in ay 60 milyan oo euro ku heli karaan saxiixa xiddiga Bruno Fernandes (Sun).

Kooxda Man United ayaan sugi doonin ilaa xagaaga si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga RB Salzburg ee Erling Braut Haaland (Mirror).

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa go,aansaday in uu isaga tago kooxda Arsenal kuna biiro kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa January (Express).

Kooxda Man United ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Matheus Pereira. (Express).

Kooxda PSG ayaa xaqiijisay in uu Kylian Mbappe 100% sii joogi doono kooxda Xilli lala xidhiidhinayo kooxda Real Madrid (Marca).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga RB Salzburg ee Erling Braut Haaland (Express).

Neymar ayaa doonayay in uu 17 milyan oo euro oo ka mid ah lacagtiisa ku biiriyo lacagtii ay Barcelona ku doonaysay saxiixa Neymar xagaagii (Express).

Daafaca kooxda Tottenham ee Jan Vertonghen ayaa doonaya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda kadib markii uu Mourinho noqdo tababaraha kooxda (SportsMole).

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa qirtay in ay Napoli isku dayday saxiixiisa ka hor intii uuna ku biirin Liverpool (SportsMole).

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Man City sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha kooxdu (Goal).

Daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa diyaar u ah in uu ciyaaraha ku dhamaysto kooxda Barcelona (Sport).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal Ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Arsenal kuna biiro kooxda Barcelona suuqa January (Sport)