RIKOODH: Lionel Messi Oo 34 Kooxood Oo Kala Duwan Gool Ka Dhaliyay Champions League & Liiska Kooxaha Oo Dhamaystiran

1921

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa guul ku hogaamiyay kooxdiisa Barcelona kulankii ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa champions League kulankii 5-aad ee wareega Group-yada.

Lionel Messi ayaa ku lug lahaa dhamaan 3-dii gool ee ay Barcelona ka dhalisay Borussia Dortmund isaga oo gool dhaliyay 2 kalena caawiye ka noqday.

Marka laga yimaado kulankan xiddiga reer Argentine ayaa laba rikoodh kala baxay kulankii a kooxdiisu guusha ka gaadhay Borussia Dortmund.

Rikoodhka 1-aad ayaa ah in uu Kabtan Lionel Messi kooxda Barcelona u saftay kulankiisii 700-aad ee tartamada oo dhan.

Rikoodhka kale ayaa ah in uu Lionel Messi tartanka Champions League ka dhaliyay 34 kooxood oo kala duwan isaga oo ah xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay.

Lionel Messi ayaa dhaafay xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo kaas oo gool ka dhaliyay 33 kooxood oo kala duwan si lamid ah Raul oo isla sidaas sameeyay.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 34-ka kooxood ee uu Lionel Messi ka dhaliyay champions League.

    1. Panathinaikos
    2. Werder Bremen
    3. Lyon
    4. Stuttgart
    5. Rangers
    6. Celtic
    7. Shakhtar Donetsk
    8. Basel
    9. Sporting Lisbon
    10. Bayern Munich
    11. Man United
    12. Dynamo Kyiv
    13. Arsenal
    14. Copenhagen
    15. Real Madrid
    16. BATE Borisov
    17. Ac Milan
    18. Bayer Leverkusen
    19. Spartak Moskva
    20. PSG
    21. Ajax
    22. Man City
    23. APOEL
    24. Roma
    25. Mönchengladbach
    26. Juventus
    27. Olympiacos
    28. Chelsea
    29. PSV
    30. Tottenham
    31. Liverpool
    32. Slavia Praha
    33. Borussia Dortmund
    34. Viktoria Plzeň