Napoli Oo Bar-bar Dhac Aysan U Qalmin La Soo Gashay Liverpool ,Min Hal Gool Ayay Ku Hishiiyeen .

1708

Napoli ayaa nasiinada ugu dirtay Liverpool hal gool nadiif ah inkastoo kooxda Klopp aheyd dhankii mamaulka ciyaarta ku xooganaa .

Napoli ayaa ciyaarta ku biloowday dar dar balse daqiiqado kooban ayay aheyd waxaana ka dib la wareegay Liverpool oo duullaan aan kala joogsi laheyn ku haysay goosha kooxda Ancelotti .

Liverpool inkastoo kubadda haysteen hadana ma jirrin halis gillin ay sameeyeen waayo daafaca Napoli ayaa ahaa mid aad u adag , waxaana kooxdaas Klopp dhaawac loog saaray Fabinho daqiiqaddii 19-aad xilligaas oo la soo giliyay Wijnaldum , waxa ayna daqiiqaddi 16-aad is buurteen xiddig Napoli ah .

Ka diob badalkaas Napoli oo ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celis aha ayaa heshay gool fudud , ka dib markii VAR daqiiqado la eegay loo ansixiyay kaasi oo uu daqiiqaddii 21-ad uu dhaliyay Dries Mertens .

Liverpool niyad jab kama qaadin goolkaas waa ay cadaadiyeen Napoli balse shabaqa ma aysan gaarsiin karin oo daafac bir ah ayaa hor taagnaa, waxaana dhaq dhaqaaq aad u wacan sameynayay Robertson , Salah iyo Mane.

Heerka kubad haysashada Liverpool ee qeybtaas hore waxa ay gaartay %66 .

Soo laabashadii , Liverpool qaab wacan ayay ku bilaabeen iyaga ayaan haystaya kubadda balse looma turjumeyn natiijo.

Tababare Klopp si xaalka kooxda wax uga badalo waxa uu soo giliyay Oxlade-Chamberlain oo loo badalay Gomez waxa ayan aheyd daqiiqaddii 57-aad ,waxaana xusid mudan in Liverpool kaliya uu ka maqnaa gool..

Napoli waxa ay ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Liverpool daqiiqadihii 61/63-aad waxaa laba fursad xaqiiq ahaa ka  qasaariyay Firminho iyo Salah.

Liverpool , waa laga filan karay gool waa uuna yimid daqiiqaddii 65-aad waxaana dhaliyay Dejan Lovren oo madaxa ayuu ahaa ka dib kubad koorno laga soo qaaday , VAR ayaa la eegay in Dejan Lovren uu riixay xiddig Napoli ah iyo in kale ugu dambeyntiina waa la ansaxiyay .

Napoli oo aan si wacan kubadda u la qeybsaneyn Liverpool ayaa daqiiqaddii 72-aad waxa ay badal ku soo giliyeen Llorente iyadoo loo badalay Lozano, waxa ayna rajo ka lahaayeen in uu is badal abuuri doono.

Dhamaadkii Napoli waxa ay isku dayayeen in ay  kubadda cagtooda ku daahiyaan xilli Liverpool ay abuurayeen fursado cadaadis ah , waxa ayna daqiiqaddii 78-aad soo giliyeen Alexander-Arnold oo loo badalay Milner.

Daqiiqadihii geerida , Liverpool dagaal laba dhinac ah ayay ku jirtay in ay weerar tagaan waliba daafac ahaan  foojignaadaan waxa ayna haminayeen goolka guusha  xilli mar kale kubad haysashada Liverpool ee qeybtaas labaad ay gaartay %66, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac min hal gool