Barcelona Oo Garaacday Kooxda Borussia Dortmund Xilli Uu Lionel Messi Taariikh Ka Dhigay Champions League

1881

Kooxda Barcelona ayaa guul ay u qalanatay ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa kulankii 5-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Guushaas ayaa Barcelona ka caawisay in ay iska xaadiriso wareega 16-ka tartanka champions League iyaga oo waliba ku soo baxay kaalinta 1-aad ee kala saraynta Group-ka.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo ay Borussia Dortmund gool deg-deg ah ka dhalin gaadhay kooxda Barcelona laakiin uu Sameul Umtiti ka hor istaagay.

Wixii intaas ka dambeeyay Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Dortmund qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 29-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay Luis Suarez oo caawin cajiib ah ka helay Lionel Messi isaga oo hogaanka dhiibay kooxdiisa.

Barcelona ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayeen goolasha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo halis ah.

Daqiiqadii 33-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Lionel Messi oo caawin ka helay Luis Suarez isaga oo sidaas ku dhaliyay goolka 2-aad sidoo kale kooxda Dortmund ka dhigay kooxdii 34-aad ee uu ka dhaliyo gool tartanka champions League.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Barcelona si qurux badan u ciyaartay waliba muujisay awoodeeda ciyaareed.

Qaybtii dambe ayay Barcelona u soo gashay sidii ay ciyaarta u maamuli lahayd Dortmund-na ugu diidi lahayd kubada.

Daqiiqadii 67-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo caawin ka helay Lionel Messi isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Dortmund ayaa gool soo ceshatay daqiiqadii 77-aad iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Jadon Sancho kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul ka caawisay in ay iska xaadiriso wareega 16-ak tartanka champions League.