Liverpool Oo Taariikh Cajiib Ah Samaysay +SAWIRRO

2924

Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa todobaadkii 22-aad ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Tottenham Hotspur Staduim.

Gool uu Weeraryahanka Roberto Firmino dhaliyay ayaa Liverpool ka caawiyay in ay gaadho guulshii 20-aad ee horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Kadib guushaas waxa ay kooxda Liverpool heshay dhibicdii 61-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya iska khasaariyay 2 dhibcood oo kaliya.

Arintaas ayaa Kooxda Jurgen Klopp ee Liverpoool ka cawisay ka caawisay in ay taariikh ka samayso horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii ug horaysay ee 61 dhibcood ka heshay horyaalka 21 kulan oo ay ciyaartay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.