Arsenal Oo Kor U Qaaday Dalabka Ay Ku Doonaysay Laba Xiddig

1789

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dib u dhis ku samayso kooxda kuna soo darto dhiig cusub kadib fashilkii xilli ciyaareedkii hore ay ku fashilmeen in ay mar kale u soo baxaan tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaaday dalab ay ku doonayso saxiixa labada xiddig ee kooxda Sampdoria ee Joachim Andersen & Dennis Praet iyada oo ka dhigtay 45 milyan oo euro laakiin kooxda Sampdoria ayaa doonaysa ugu yaraan 50 milyan oo euro si ay u fasaxdo labada xiddig.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Sampdoria Arsenal ka diiday dalab dhan 42 milyan oo ay ku doonaysay labada xiddig inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee milkiilaha kooxda Sampdoria ee Massimo Ferrero ayaa sheegay in uu aqbali doono kaliya lacag dhan 50 Milyan oo euro si uu u ogolaado in uu iibiyo xiddigaha Joachim Andersen & Dennis Praet.

Xiddiga Joachim Andersen ayaa ah xiddig reer Denmark ah oo ka ciyaara daafaca dhexe halka xiddiga Dennis Praet yahay xiddig ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka ama No.10.