Ciidamada Daraawiishta Galmudug, Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa saaka la wareegay degmada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug, kaddib weerar xooggan oo lagu qaaday degmadaas.
Kooxda Al Shabaab ee gacanta ku haayay degmada, ayaa iskaga baxay magaalada waxaana ciidamada ay wadaan howlgallo ammaanka lagu sugayo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Xaalada degmada Bacaadweyn ayaa degan xiligan inkastoo ay jirto xiisado iyo cabsi laga qabo dagaalo ka dhaca, waxaana shacabka degaanku ay muujinayaan feejignaan.
Dhanka Xarardheere ayaa iyana lagu soo waramay in saakay guluf kale uu ka dhaqaaqey sida qorshuhu yahayna gulufkaan cusub ayaa ah mid guud ahaan Galmudug looga xoreynayo Al shabaab