Aston Villa Oo Dubatay Arsenal+SAWIRRO

1806

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League

Kulanka ayaa ahaa mid ah Aston Villa ku bilaabatay si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay goolal wakhi hore ah.

Isla qadiiqadii 1-aad ayay Aston Villa heshay wixii ay doonaysay waxana gool deg-deg ah u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee John McGinn.

Laakiin Goolkaas ayaa la diiday kadib markii VAR la eegay lana ogaaday in uu xiddiga goolka dhaliyay offside ku jiray ka hor goolka.

Inkasta oo goolka laga diiday hadan Aston Villa ayaan is dhiibin waxana ay ka fiicnayd kooxda Arsenal dhan walba oo laga eego ciyaarta.

kooxda Arsenal ayaa gabi ahaan ka maqnayd ciyaarta iyaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii ay kaga badiyeen kooxda Man United todobaadkii hore.

Kadib dadaal badan iyo qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen Aston Villa ayaa hogaanka qabatay ciyaarta goolka furitaankana dhaliyay

Daqiiqadii 35-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyada oo uu si khaldan isaga dhaliyay kadib markii uu Bukayo Saka iska dhaliyay goolka.

Kooxda Arsenal ayaa heshay fursado yar laakiin Gunners ayaa ka faa’iidaysan wayday fursadahaas ciyaartana ku soo laaban karay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Aston Villa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah ka awood badnaayeen kooxda Arsenal.

Qaybtii dambe ayay Aston Villa sii wadatay dadaalka ay ku doonaysay goolasha xilli ayna Arsenal wax niyad ah u hayn in ay dhaliyaan wax goolal ah.

Xilli ay Arsenal raadinaysay goolka bar-baraha ayay Aston Villa gool kale kaga naxsatay kooxda Mikel Arteta iyaga oo Niyada ka jabiyay Arsenal.

Daqiiqadii 72-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga wacdaraha dhigaya ee Ollie Watkins kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Laba daqiiqo kadib ayay Aston Villa gabi ahaan dishay ciyaarta kadib markii uu xiddiga Ollie Watkins dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Aston Villa dhulka ku jiiday Arsenal dushana u saartay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah garoonka Emirates Stadium kadib kulankii Leicester City.