Axmed Madoobe oo looga yeeray Nairobi

1439

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dalab uga yimid xubno ka tirsan dolwadda Imaaraadka Carabta ee ku sugan Nairobi oo malmihii u dambeeyey kulamo ugu yeerayay Dawlad Gobaleedyada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa safar Deg-deg ah ugu dhoofay Magaalada Nairobi, waxaana halkaas uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Madax ka tirsan Kenya iyo xubno kale.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Deni Maanta uu kulan la qaadan doono Madaxa Arrimaha Sirdoonka u qaabilsan Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika Xuseen Darwiish Al Shamsi.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, iyagoo uga qeyb galay shirar lagu dhameeystirayay heshiiskii laga Doorashada 2020/2021.