Baadarigii ugu horeyay ee iscasila oo dhintay

228

Sida uu aqalka Vatican-ka ku dhawaaqay waxaa geeriyooday Baadariga ugu sarreeya mad’hab-ta Catholic-ga ee diinta masiixiga Benedict XVI isaga oo ahaa 95 jir, waxaana uu dhintay ku dhawaad 10 sano ka dib markii uu noqday baadarigii ugu horreeyay ee iscasila muddo lix qarni.

“Anigoo murugeysan, waxa aan idinku wargelinayaa in Baadari Emeritus, Benedict XVI, uu maanta 9:34 subaxnimo ku geeriyooday Monastery Mater Ecclesiae ee aqalka Vatican-ka,” ayuu afhayeenka, Matteo Bruni, ku yiri bayaan uu soo saaray.

Benedict ayaa dunida ka yaabiyay 2013-kii markaasi oo uu noqdo pope-kii u horreeyey ee xilka ka dega tan iyo lix qarni, waxaana uu sababta ku sheegay in caafimaadkiisa maskaxeed iyo jireedba uu hoos u dhacayay.

Waxa uu goor danbe wariyeyaasha u sheegay in aaskiisu ka dhici doono Khamiista, shanta bisha Jannaayo, waxaana lagu qaban doonaa fagaaraha St Peter, oo uu guddoomin doono ninka xilka ka beddelay Pope Francis.