Baarlamaanka Carabta oo difaacay Badda Soomaaliya

1764

Baarlamaanka Carabta ayaa ka hadlay markii ugu horeysay muranka badda ee ka dhex jira Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka carabta ayaa lagu sheegay inay taageerayaan jamhuuriyada soomaaliya ugu baaqay dowladda Kenya in ay faraha kala baxdo biyaha Carbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyadeeda, milgaheeda, beri, bad iyo cir”ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Baarlamaanka carabta.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa dowlada Kenya in ay faraha kala baxdo biyo goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha carbeed oo lama taabtaan ah.”ayaa ka mid ahaa ereyadii lagu qoray bayaanka ka soo baxay baarlamaanka carbeed.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay wadamada Carbeed in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya

Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa lagu wadaa in dhamaadka sanadkan ay go’aan ka gaarto Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.